DHAGEYSO:Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in ay Jiraan Caqabado shacabku Wajahayaan

0
631

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa xarunta degmada Wadajir kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ka kala socday Degmooyinka Wadajir iyo dayniile si uu aga dhageysto baahiyaha kajira degmooyinkaasi.
Qaar ka mid ah shacabka degmada Dayniile ayaa Su’aalo ku saabsan waxbarashada,dadka Baahiyaha Gaarka qaba iyo dhibaatooyinka kale ee ay qabaan waydiiyay gudoomiyaha.

Duqa Muqdisho Cumar Filish oo Su’aalaha ay shacabku waydiiyeen ka Jawaabayay ayaa sheegay inay ka Maamul ahaan dadaal badan ku Bixinayaan sidii bulshadu u heli lahaayeen baahiyaha aas-aasiga ah isagoo dhanka kalena sheegay inay jiraan caqabado badan oo Maamulku Awood u lahayn Xalintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here