Wakiilada beesha Caalamka iyo Madaxda Galmudug,Hirshaebelle,iyo koonfur Galbeed oo Kulan Yeeshay

0
483

Xalay waxaa Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyo Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Kulanka ayaa Yimid kadib markii uu fashil ku dhamaaday shir ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha xuluumadda Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Shanta Maamul Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Wararka kulanka laga helayo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynayaasha Saddexda ah ee taageersan dowladda ay eedda Fashilka Shirkaas saareen Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxayna sheegeen inay dib deegaanadoodi ugu laabanayaa maadaama aan ilaa iyo hada wax lagu heshiiyay oo doorashada ku saabsan aysan jirin.
Wararka ayaa waxaay intaasi ku darayaan in Wakiilada Beesha Caalamka ka diideen hadalka saddexda Maamul Goboleed eek u aadan ku laabashada deegaanadoodii lana doonayo inay xal kama danbaysa ah laga gaaro arimaha muranka Doorashada, iyagoo sheegay in qofkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono inuu yahay qaswade ama uu heshiiyada ka soo horjeedo.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaan weli ka quusan dadaalkooda ku aadan sidii madaxda Soomaalida la isugu keeni lahaa, waxaana la filayaa in Maanta ay la kulman Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland.