Mareykanka iyo Taalibaan oo ka digay in weerarro kalo oo ka dhaca garoonka diyaaradaha ee Kabul

0
629

Mareykanka ayaa ka digay in saacadaha soo socda uu qarax uu ka dhici karo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan ka dib markii u helay xog lagu kalsoonaan karo oo arrinkan ku aadan.
Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Kabul ayaa sheegtay in weerarrada ay ka dhici karaan meelo gaar ah oo ka mid ah gegida diyaaradaha ee Kabul gaar ahaan irdaha laga soo galo garoonka inta u dhaxeysa 24 ilaa 36 saacadood.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Washington DC ayaa sheegay in arrinkan lagu wargeliyay.
Kooxda Taaliban ayaa sidoo kale dadka uga digtay in takaan garoonka diyaaradaha ee Kabul.
26-kii bishaan ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Kabul kaasoo sababay dhimashada 92 qof oo 13 ka mid ay ahayeen saraakiisha ciidamada Maraykanka.
Waxaana mas’uuliyadda weerarkaasi sheegatay kooxda la baxday dowladda Islaamka ee gobolka Khorasan ee ISKP oo xiriir la leh uruka ISIS-K.
Dhanka kale sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ee reer Galbeedka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku jiraan wajigii ugu dambeeyay ee howlgalladooda iyadoo ilaa 1,000 qof oo rayid ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Kabul ay sugayaan in la daadgureeyo.