DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan

0
765

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixinyay dagaalkii waabarigii hore ee Saaka ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Generaal Xuud oo Maleeshiyaadka uu hogaaminayo ay weerarka kuq aadeen beledweyne ay la mid yihiin dagaalameyaasha Al-shababa.
Xiligii Salaada Subax ee Saaka ayaa dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad uu hoggaaminayay Gen Xuud uu ka dhacay Magaaladaasi Beledweyne.
Maleeshiyaadka Gen Xuud ay xalay waxay galeen gudaha magaalada Beledweyne, islamarkaana halkaasi ay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen taasoo keentay in ciidanka dowlada ee halkaas ku sugan uu dagaal dhex maro.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qaybta 27 ayaa sheegay in Ciidamada amaanku ay ku raad-joogaan Generaal Xuud iyo Maleeshiyaadka uu hogaaminayo oo ay sheegeen inay dhulka Buuralayda ee gobolka hiiraan ku dhuumalaysanayaan kadib markii saaka laga saaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadka uu hogaaminayo Gen Xuud ayaa waxaaay ka soo horjeedaan Maamulka Cusub ee Hirshabeelle waxaana dhowr mar Guul daraystay dadaalo la doonayay in Xal looga gaaro tabashada ay qabaan dadka reer Hiiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in magaaladaas ay xaaladeedu dagan tahay,maleeshiyaadka Gen Xuudna ay gabi ahaanba ka baxeen gudaha magaalada, iyagoona dib ugu laabtay duleedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo ay markii hore ku sugnaayeen.
Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano hor leh saakay ka sameeyay xaafadaha magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here