Shuban biyood ka dilaacay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose

0
706

Wararka ak imaanaya gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta dlaka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Caruur badan oo da’dooda ay ka yartahay 5 sano ay haleelaan xanuunnada Jadeecada iyo shuban biyoodka oo ka dillaacay magaalooyinka Jamaame iyo Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose kuwaasoo lagu dabiibayo isbitaalka guud ee magaalada Kismayo.
Sida ay qortay warbahainta gudaha Soomaaliya Ku dhowwad 10 carruur ah ayaa xanuunnada ugu geeriyooday magaalada Jamaame.
Warbahainta gudaha oo soo Xiganaysa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegTay in cuduro iyo biyo la’aan baahsan ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
iskuduwadaha wasaarada wasaarada Caafimaadka ee gobolka Jubbada Hoose u qaabilsan Maamlka Jubbaland ayaa sheegay inay xaalad aad u adag ay ka jirto deegaano ka tirsan gobolkaasi Jubbada Hoose.