Nin u dhashay dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 53 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay danbiyo nacayb iyo dil toorey ah oo uu u geystay wiil lix jir ah oo u dhashay dalka Falastiin .
Garsoore Amy Bertani-Tomczak ayaa ku dhawaaqday xukunka ka dhanka ah Joseph Czuba oo 73 sano jir ah kaasi oo ka soo jeeda gobolka Illinois.
Joseph Czuba ayaa dilkan fuliyay bishii October ee sanadkii 2023-kii ka dib markii Israa’iil ay weerar toos ah ku bilawday Marinka Qaza.
Dilka dhacay ayaa loo arkaa mid ku salaysan naceyb.