Waxaa lagu soo warramaya in rag hubeysan ay dileen sarkaal ka tirsanaa mucaaradka waddanka Mozambique iyo qareen.
Waxaa sidatan xaqiijiyay mucaaradka dalka Mozambique.
Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaaba Elvino Dias iyo Paulo Guambe.
Dilkan ayaa xalay ka dhacay caasimadda Mozambique ee Maputo.