Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaraxday miino ay doonayeen inay ku aasaan hareeraha waddo ku taalla ismaamulka Garissa.
Waaxda ayaa intaasi ku dartay in labo ka mid ah kooxda ay isla goobta ku dhinteen.
Waxaa sidoo kale halkaasi iskaga cararay qaar kale oo ay soo gaareen dhaawacyo culus sida ku cad bayaanka laanta dambi baarista ee dalka.
Qoraalka waxaa ku xusan in qorshuhu uu ahaa in miinada lagu wayeelleeyo shacabka iyo ciidamada booliiska ee wadadaasi adeegsada.
DCI ayaa intaasi ku dartay in goobta lagu arkay qaybo ka mid ah jirka xubnaha Al-Shabaab ee ay miinadu ku qaraxday oo gogo’ay.
Waaxda ayaa intaasi ku dartay in ciidamada ammaanka ee roondooyinka ka sameynayay meel aan goobta ka fogeyn ay tageen halka ay miinadu ku qaraxday oo ah waddada xiriirisa Amuma iyo Ruqa .
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay aroornimadii hore ee shalay waxaana hadda goobta ku sugan ciidamada ammaanka iyadoo xubnii baxsadayna lagu raadjoogo.




