Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka , Chris Kiptoo ayaa beeniyay in kenyaanka ay bixiyaan canshuur dheeraad ah marka loo barbardhigo waddamada kale.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in shacabka loo sameeyo wacyi gelin arrinkan ku aaddan.
Kiptoo ayaa hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in dadweynaha ay waddaniyad muujiyaan oo aynan dhibsan bixinta canshuurta si dalka uu horumar u gaaro.
Xoghayaha wasaaradda maaliyadda ee wadanka ayaa sheegay in maamulka canshuuraha ee KRA ay u diiwaangashan yihiin nambarrada sirta ee PIN oo gaaraya 20 milyan oo qof balse inta firfircoon ay yihiin 8.5 milyan oo aan dhammaantood canshuurta lagu bixin.
Home Wararka Kenya Xoghayaha wasaaradda maaliyadda oo beeniyay in kenyaanka laga qaado canshuur badan