Xoghayaha ODM oo beeniyay in haddii uu Raila ku biiro AU-da uu ka fadhiisan doono siyaasadda

0
246

Xoghayaha Guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in ololaha uu Raila Odinga ugu jiro xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ay ka dhalan karto saameyn siyaasadeed.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in haddii uu Mr. Odinga ku guulaysato hoggaaminta AU-da uu ka fadhiisan doono saaxadda siyaasadeed ee Kenya.
Waxaa uu Sifuna carrabka ku adkeeyay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka uu weli door ku lahaan doono siyaasadda Kenya maadaama sida uu hadalka u dhigay uu ku leeyahay door lagama maarmaan ah.