Xoghayaha Guud ee ODM oo laga dalbaday inuu is casilo

0
491

Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Nyaribari Chache ee ismaamulka Kisii ,Zaheer Jhanda ayaa xoghayaha guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ka dalbaday inuu is casilo.
Waxaa uu ku eedeyay inuunan si wanaagsan u hoggaamin xisbiga ODM.
Zaheer ayaa sheegay in loo baahan yahay in Sifuna uu xafiiska banneeyo haddii kalena laga eryi doono xisbiga.
Tani ayaa timid ka dib markii xoghayaha uu dhawaan sheegay inuu jahawareer ka dhex jiro ODM tan iyo markii xubno ka mid ah ay ku biireen dowladda talada haysa .