Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shaaciyay in xisbiga UDA ee talada haya uu qaban doono doorashooyinka deegaannada.
Gachagua ayaa xusay in la soo dooranaya mas’uuliyiinta xisbiga ku matalo deegaannada kala duwan.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo awoodda siyaasadeed iyo isku xirka xubnaha xisbiga.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in la beddeli doono mas’uuliyiinta hadda xilalka kala duwan u haya si ku meel gaar ah.
Doorashooyinka ayaa ka dhici doono goobaha codbixinta ee deegaannada hoose , deegaan baarlamaneedyada , ismaamullada ilaa xafiiska qaran ee UDA.
Gachagua oo sidoo kale ah ku xigeenka madaxa UDA ayaa intaasi ku daray inay xafiisyo ka furan doonaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Our party, United Democratic Alliance, is steadfastly growing as we expand political boundaries and welcome more members to our fold.
On Monday evening, I visited the party offices for consultations with officials who have been tasked with keeping the party strong and… pic.twitter.com/asHaPM4VfY
— H.E. Rigathi Gachagua, EGH (@rigathi) June 26, 2023