Cod bixiyeyaasha Japan ayaa maanta u dareerey goobaha codbixinta doorasho degdeg ah oo ay ku dhawaaqday Raa’iisul Wasaare Sanae Takaichi, ka dib saddex bilood oo ay xilka haysay.
Takaichi ayaa rajaynaysa in xisbigeeda Dimuqraadiga Federaalka (LDP) uu soo hoyiyo guul weyn.
Sahanno ayaa muujinaya in LDP iyo xulafadeeda ay heli karaan in ka badan 300 kursi, iyadoo Takaichi ku adkaysanayso kordhinta kharashaadka difaaca iyo qaab ka falcelin xooggan oo ku wajahan Shiinaha.
Natiijada doorashada ayaa la filayaa dhowr saacadood ka dib markii ay codbixinta soo dhamaato.




