Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaal laga dhex arkayay gacan ka hadal dhexmaraya labo xildhibaano oo haween ah kuwaas oo ka soo jeeda Gobolka waqooyi bari gaar ismamaulka Garissa.
Xildhibaanada ay xurgufta dhexmartay ayaa kala ah Umul Kheyr Harun oo si magacaabid ah aqalka baarlmaanka ugu soo gashey tikitka xisbiga ODM iyo Falxado Deqow Iman oo ah xildhibaanada Kenya ku matasha Bariga Africa ee EALA.
Muuqaal la soo bandhigay oo si weyn loo daawadey ayaa muujinaya xildhibaanadaas oo isku gacan qaadaya.
Xildhibaano kale oo dumar ah oo isku dayay in ay kala celiyaan ayaa xakameyn waayay dagaalkooda iyagoo qeylo dhaan u diray xildhibaano kale oo ka agdhawaa goobta.
Dhacdadan ayaa waxaa ay ka dhacday banaanka aqalka Baarlamaanka ee dalka
Umul Kheyr Harrun oo barteeda baraha bulshada qoraal ku soo bandhigtay ayaa ku sheegtay in ay ka qoomamoonayso dhacdada ay ku tilmaantay in ay ahayd mid nasiib darro ah.
Waxaa ay intaas ku dartay in la soo weeraray oo ayna dacwad u gudbisay maamulka ku shaqada leh.
Dhankeeda Falxado Deqow Iman ayaa carrabka ku dhufatay in wixii dhacay ay tahay mid aan la dafiri karin oo hoos u dhigayso sharafta u adeegida qaranka , iyo kalsoonida ay siiyeen shacabka Kenyaanka ah.
Falxado ayaa intaas ku dartay in ay si weyn uga qeyb qaadan doonto xallinta khilaafka dhacay.
Dagaalkan ayaa loo malaynaya inuu salka ku hayo hadalo xanaf leh oo labada dhinac ay iska tabanayaan.