Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi Phelix Odiwuor oo loo yaqaano Jalang’o ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay qasab tahay in cid waliba oo munaasabad ku qabanaysa deegaankaasi ay boqolkiiba 50 ee shaqooyinka siiso dhallinyarada.
Arrinkan ayuu shaaca uga qaaday qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada.
Waxaa uu cidii aan diyaar u ahayn inay amarkan u hoggaansanto u sheegay inay xafladeeda meel ka baxsan deegaanka Lang’ata ku dhigato.
Hasa ahaate kenyaanka ayaa arrinkan ka falceliyay iyadoo qaar ka mid ah ay mudanaha ku dhaliileen inuu qas horseedaya.
*New Guideline, If you are Hosting an event in Langata venues and you dont give our young people a chance to work at you event, that event will not happen! Carnivore, Uhuru Gardens, Nyayo stadium, and any other venue in Langata! 50% of jobs must be from Langata Youths!
— JALANG'O (@JalangoMwenyewe) July 3, 2023




