Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa sheegay inuu cambaareynaya tallaabadii waaxda dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi u qaabilsan howlaha qorsheynta magaalada ay oggolaansho ku siisay shirkad shidaal oo laga dhex dhisay aag ay dadweyne deggan yihiin.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja laga doonaya inuu ugu dambeyn qaato mas’uuliyadda la xiriirta dhimashada, dhaawacyada iyo hantida ku burburtay qaraxii gaaska ka dhashay ee xalay deegaankaasi laga soo tabiyay.
Babu Owino oo dadka dhacdadaasi ku dhaawacmay ku booqday isbitaallada lagu daaweynaya ee Kenyatta,Mama Lucy Kibaki iyo Mbagathi ayaa sheegay inay uruurinayaan xogaha dhibbanayaasha si loo caawiyo iyadoo dadka barakacay laga taageeraya dhanka hooyga.
Mudanaha oo u mahadceliyay saraakiisha maamullada kala duwan ee dabkaasi ka falceliyay ayaa intaasi ku daray in isagoo kaashanaya mas’uuliyiinta kale ay inta karaankooda ah magdhow u sameyn doonaan dadka ay hantidooda ku gubatay dabkii ka dhashay qaraxii shidaalka.
Home Wararka Kenya Xildhibaanka Bariga Embakasi oo dhaliil u jeediyay waaxda qorsheynta magaalada Nairobi