Xidhibaanad Aamino Maxamad oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Beledweyne

0
505

Qarax xooggan ayaa goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaas oo gaystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka aynu haleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaraxu uu ahaa Ismiidamin, waxaana dadka ku dhintay ka mid ah Xildhibaanad Aamino Maxamad Cabdi, oo ka mid ahayd mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay afafka hore ee Madaxtooyada Beledweyne, waxaana Goobta uu Qaraxu ka dhacay ay haatan tahay mid kacsan, iyadoo la soo sheegayo dad badan inay ku dhinteen Qaraxa.
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah, mana la ogaan karo maadaama wali xaalad jahwareer ah ay ka taagan tahay Beledwyne.
Goobaha Caafimaadka ayaa haatan loo daabulayaa dadka dhaawacyada ah, iyadoo ay jiraan dad xaaladdooda caafimaad laga dayrinayo.