Xeer ilaalinta oo lagu amray inay soo bandhigto cadaymaha kiiska ka dhanka ah guddoomiye Natembeya

0
379

Maxkamad ku taallo magaalada Nairobi ayaa amar ku siisay xafiiska agaasimaha dacwad oogista dalka inuu siiyo kooxda difaaca dhammaan cadeymaha uu doonayo inuu u cuskado kiiska ka dhanka ah barasaabka Trans Nzoia George Natembeya.
Awaamiirtan ayaa timid kadib markii xeer ilaalinta ay qiratay inay ku guuldareysatay inay u hogaansanto amar hore oo maxkamadeed oo ahaa in la shaaciyo agabka kiiska.
Xeer ilaalinta oo adeegsanaysa qareenka dowladda Victor Awiti, ayaa waxaa ay codsatay laba toddobaad oo dheeraad ah si ay u hoggaansanto, isaga oo soo xiganaya caqabadaha ka jira helitaanka dukumentiyada xafiisyada dowlad deegaanka Trans Nzoia.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda difaaca guddoomiyaha ayaa si adag uga soo horjeestay codsiga, iyagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah hannaanka maxkamadda.
Maxkamadda ayaa xukunkeeda waxaa ay ku amartay xeer ilaalintu inay soo bandhigto dhammaan agabka khuseeya kiiska 16-ka June sanadkan markaas oo arrinta la dhageysani doono.
Guddoomiye Natembeya ayaa waxaa uu wajahaya saddex dacwadood oo kala hanti dadweyne oo si sharci darro ah u qaatay, iskahorimaadka danaha iyo inuu si dadban uga faa’iidaystay hantida dadweynaha.