Xarrunta nukliyeerka Natanz ee Iiraan oo mar kale la beegsaday

0
197

Weerar cirka ah oo ay qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lagu bartilmaameedsaday xarunta kobcinta nukliyeerka ee Natanz ee Iiraan iyadoo warbaahinta dawladdu ay sheegtay “in aysan jirin wax khatar ku ah dadka deegaanka ee ku dhow.
Ururka Tamarta Atomiga ee Iiraan ayaa sheegtay in xarunta kobcinta Shahid Ahmadi Roshan ee Natanz lagu weeraray qayb ka mid ah waxa ay ku tilmaameen “weeraro dambiilenimo ah” oo ay geysteen Mareykanka iyo Israa’iil.
Weerarkan oo dhacay sabtida maanta ah wuxuu jebinayaa sharciyada caalamiga ah iyo ballanqaadyada oo ay ku jiraan Heshiiska Ka-hortagga Hubka Nukliyeerka (NPT) iyo xeerarka kale ee badbaadada nukliyeerka, ayay raacisay.