Ururka Xamaas ee dalka Falastiin qaybtiisa al-Qassam Brigades ayaa maanta sheegtay mas’uuliyadda qarax bambo loo adeegsaday oo shalay ka dhacay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Kooxdan ayaa xustay in ay fulisay howlgal militari iyadoo kaashanaysa garabka hubeysan ee dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ah ee Islamic Jihad.
Warbaahinta maxalliga ee Israa’iil ayaa qaraxaasi ku tilmaantay weerar argagixiso oo uu ku dhaawacmay hal qof iyadoo qofkii fuliyayna uu ku geeriyooday.