Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa hoggaamiyahooda Qaza Yaxya Sinwar u magacaabay madaxa kooxdan ee beddelaya Ismaaciil Haniyeh oo maalmo ka hor la dilay.
Afhayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari oo wareysi bixiyay ayaa dhankiisa sheegay in ay ka go’an tahay in ay sidoo kale ka takhalusaan Sinwar.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 39,653 qof lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza halka la dhaawacay 91,535 kale.