Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay in la –haystayaasha Israa’iil laga qabtay aan la siidayn doonin ilaa iyo inta laga joojinaya gardarrada ka socoto Qaza.
Xamaas ayaa sidoo kale dalbatay in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan gudaha Qaza sidoo kalena la siidaayo maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee lagu hayo xabsiyada Israa’iil.
Ururkan ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan marnaba is-dhiibi doonin xita iyadoo ay Israa’iil dhawaan sheegtay in ay dishay hoggaamiyihii Xamaas ee beddelay Ismaaciil Haniyeh , Yaxya Sinwar.