Xaalad degdeg ah oo looga dhawaaqay gobolka Belgord ee Ruushka

0
391

Waxaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay gobolka Belgorod ee Ruushka oo dhanka Waqooyi ka xiga Ukraine.
Waxaa xaaladdan ku dhawaaqay guddoomiyaha gobolkaasi Vyacheslav Gladkov.
Go’aankan ayuu u aaneeyay in halkaasi ay duqeymo maalinle ah ka wadaan ciidamada qalabka sida ee Ukraine.
Guddoomiyaha ayaa xusay in duqeymaha lagu burburiyay guriyo , in dad shacab ah lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay .
Waxaa uu Gladkov dowladda dhexe ee Ruushka ugu baaqay in ay iyadana xaalad degdeg ah ku dhawaaqdo.