Waxaa lagu soo warramayaa in koox hubeysan ay weerar ka gaysatay xaafadda Hodan oo ka tirsan deegaanka hoose ee Waaberi ee ismaamulka Garissa halkaasi oo lagu dilay hal qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo kalena la dhaawacay.
Waxaa falkan cambaareeyay oo saraakiisha ammaanka ugu baaqay inay baaritaan degdeg ah ku sameeyaan wakiilka deegaanka hoose ee Waaberi Abubakar Xaaji Sugow.




