Raila Odinga Junior ayaa Aabihiis oo geeriyooday ku tilmaamay inuu ahaa nin dadka Kenyaanka ah baray inay fahmaan Dastuurka iyo inay ogaadaan xuquuqdooda.
Sida laga soo xigtay Junior, nolosha aabbihiis ayaa eheed mid ka buuxda jacaylka aan joogsiga lahayn ee uu u qabo Kenya iyo aaminaadiisa caddaaladda iyo sinnaanta.
Waxaa uu intaas ku daray in aragtida aabihiis ee ku aaddan bulsho cadaalad iyo dimoqraadi ah ay sii wadi doonto inay hagto jiilalka soo socdo, taasoo ku dhiirigelinaysa Kenyaanka inay difaacaan xorriyadda uu u halgamay intii uu noolaa.




