Wiil 15 sano jir ah oo ay koronto ku qabsatay Homa Bay

0
336

Waxaa lagu soo warramayaa inuu ismaamulka Homa Bay ku geeriyooday wiil 15 sano jir ah oo lagu magacaabo Castro Odhiambo ka dib markii ay koronto saameysay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Wi-Rakuom ee deegaan baarlamaneedka Ndhiwa.
Castro Odhiambo ayaa dhiganayay fasalka toddobaad ee dugsiga hoose dhexe ee Wi-Rakuom.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu geeriyooday ka dib markii uu taabtay waayar ama xarig koronto oo bannaan oo uunan wax ka sarreeya jirin kaasoo yaallay agagaarka gurigooda.
Waxaa markiiba la geeyay isbitaalka Rodi Kopany halkaasi oo uu ku geeriyooday.