Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa digniin caalami ah ka soo saartay caabuqa ama furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox.
Waxay sheegtay in caabuqan uu ku sii faafaya qaaradda Afrika sidaasi awgeedna dowladaha kala duwan laga doonaya in ay xoojiyaan howlaha kormeerka ee lagu xaqiijinaya badqabka shacabka.
Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom ayaa sheegay in busbuskan uu ka dillaacay jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC oo ay ugu dhinteen ugu yaraan 450 ruux.
Tan iyo billowgii sanadkan waxaa gudaha DRC Congo laga diiwaangeliyay in ka badan 13,700 oo ah xaaladaha Mpox.
Waxaa uu agaasimaha guud ee WHO hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay jawaab caalami ah oo la iska kaashanaya taasi oo lama huraan u ah ka hor tagga faafidda Mpox.
Sida laga soo xigtay, xeel -dheerayaasha caafimaadka , caabuqa Monkey Pox ayaa ku faafi kara kara isu dhawaanshaha , taabashada qof xanuunka qabo iyo in aad adigoo aad ugu dhow la hadasho ama uu kugu neefsado qof xanuunkan qaba.
Waxaa uu ku billowdaa qandho, ka dibna wuxuu isu beddelaa nabro ka soo baxa jirka oo dhan.
Afar ka mid ah 100-kii kiis ee caabuqa Mpox ayaa dhimasho sababa waxaana faafayay labo ka mid ah noocyada ugu muhiimsan ee cudur sidahan.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunkan oo ka soo billowday Congo uu hadda ku faafay dalalka deriska la ah iyo kuwa u dhow ee Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda.
Bishii Toddobaad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay digniin caafimaad ka soo saartay caabuqan gaar ahaan nooca aan halista ahayn ee Clade II oo xilligaasi ku faafay ku dhawaad 100 dal oo qaarkood hoos tago qaaradaha Yurub iyo Aasiya.
Waxaa xilligaasi la diiwaangeliyay ugu yaraan 87,000 xaaladood iyo dhimasho dhan 140.