WFP oo cunto u qaybinaysa qaxootiga Itoobiya

0
257

Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa billaabay inuu cunto u qaybiyo ku dhawaad 900,000 oo ah qaxooti ku nool dalka Itoobiya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay hay’adda isbeddel ku sameysay howlwaheeda qaxootiga.
Waxaa markii ugu horreysay tan iyo bishii Lixaad ee sanadkan gargaar cunno la siinaya qoysaska ku jiro xerooyinka qaxootiga ee Itoobiya oo ay ka mid yihiin kuwo dhawaan ka yimid Suudaan oo gaaraya 35,000.