Wasiirka waxbarashada oo ka hadlay waxqabadkiisa

0
249

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inay waxyaabo badan u qabsoomeen intii uu wasaaraddan hoggaaminayay.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday ka dib markii uu xariga ka jaray dhismaha labo ka mid ah fasallada loogu tala galay hannaanka waxbarashada ee CBC kuwaasoo laga hirgeliyay dugsi ku yaalla deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Wasiir Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in natiijada waxqabadkiisa ay tahay mid iska cad.
Waxaa uu codsaday in la cafiyo haddii ay jirto cid dhibsatay qaabkii uu u hoggaaminayay wasaaradda tacliinta ee dalka.
Magoha ayaa xusay in kastoo dadka qaar ay ku tilmaamaan shakhsi isla-wayn haddana inuu aaminsan yahay in kenyaanka uu ugu adeegay sidii loogu igmaday.