Madaxda kaniisadaha oo shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan

0
148

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha diimeed ee ismaamulka Nyeri ee gobolka bartamaha dalka ayaa dadweynaha ku boorriyay inay is dejiyaan oo ay nabadda ku dadaalaan.
Madaxdan oo uu hor kacaya baadari lagu magacaabo Paul Wanjohi ayaa sheegay in dalka uu ka soo gudbay doorasho nabad ah oo aan loo baahneyn inay saameyn ku yeelato natiijadii madaxtinnimo ee la shaaciyay.
Shalay ayay ahayd markii musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga uu sheegay inay maxkamadda geyn doonaan dacwad ka dhan ah natiijadii uu Isniintii ku dhawaaqay Chebukati.
Raila ayaa dhanka kale kenyaanka si gaar ah taageerayaashiisa siyaasadeed kula taliyay inay degganaansho muujiyaan oo aynan dhibaatooyin gaysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here