Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki oo ay weheliyaan saraakiisha ammaanka sida ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska dalka Nuur Gaabow ayaa socdaal ku tagay ismaamullada Mandera iyo Wajeer waxaana la filayaa inuu u soo gudbo Garissa.
Waxaa uu kulan la qaatay madaxda amniga iyo sirdoonka.
Kindiki ayaa dadweynaha ku nool ismaamullada Waqooyi Bari ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hor tago weerarrada argagixiso.
Qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada ayuu ku sheegay in dowladda ay ka guulaysan doonto Al-Shabaab iyo cid waliba oo khalkhal gelinaysa xasiloonida gobolka Waqooyi Bari.
Socdaalka wasiirka arrimaha gudaha ee dalka iyo kulamada uu halkaasi ku qabanaya ayaa ku soo beegmaya ka dib weerarro dhawaan ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka.
In Wajir, Mandera, and Garissa Counties for a series of engagements with Counties Security and Intelligence Committees, leaders and residents.
The Government shall defeat Al-shabaab and all violent extremists who continue to threaten our national security and destabilise… pic.twitter.com/8rKRY9yO5P
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) July 4, 2023




