Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka oo difaacay baaritaannada ku aaddan dilkii xildhibaan Were

0
601

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa difaacay sida degdegga ah ee ay waaxda dambi baarista waddanka ee (DCI) u guda gashay in la ogaado cidii ka dambeysay dilkii xildhibaankii deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay Charles Ong’ondo Were.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in warbaahintu ay arrintan si wayn u tabisay maadaama shakhsiga la dilay uu siyaasi ahaa.
DCI-da ayaa muddo 14 cishe gudaheeda ah ku soo xirtay 14 eedeysanayaal ah.
Hasa ahaate , wasiir Murkomen ayaa sheegay in waxqabadka booliiska aan inta badan la ogaan marka laga reebo dhacdooyinka ay warbaahintu si wayn u tabiso.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay eedeysanayaasha aqoonsadeen iyagoo adeegsanaya muuqaallada ay duubeen kaameerooyinka qarsoon ee CCTV-da ee lagu rakibay magaalada Nairobi.
30-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii xildhibaan Were xilli fiid ah lagu toogtay waddada Ngong Road ee ismaamulka Nairobi waxaana weli socdo baaritaannada falkaasi looga sal gaaraya.