Wasaaradda tamarta oo faahfaahisay koronto la’aan xalay jirtay

0
235

Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Davis Chirchir oo shir jaraaid qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay koronto la’aan habeen ka hor wadanka ka jirtay.
Waxaa uu dhibaatadaasi u aaneeyay culeys dhanka qaybinta korontada ah oo soo foodsaaray khadka ama leenka xiriiriya Kisumu-Muhoroni ee galbeedka dalka.
Chirchir ayaa xusay in leenkaasi loogu talagalay inuu qaado 80 megawatts oo koronto ah balse uu gudbinayay 149 megawatts taasoo cadaadis dheeraad ah ku keentay ka dibna sababtay koronto la’aanta.
Waxaa uu sheegay in wasaaradda tamarta ay ku dadaalaysa sidii loo yareyn lahaa baaxadda korontada ee loogu tala galay inay qaybiyaan leemanka kala duwan.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wasaaraddu ay ka shaqeynaysa in la sameeyo xiriirin cusub taasoo la filaya inay qaadato 20 bilood in la dhameystiro.
Wasiirka ayaa sheegay in qaybtan ay korontada u qaybin doonto Olkaria-Narok-Bomet iyo Awendo waxaana mashruucan maalgelinaya dowladda Kuuriyada Koonfureed iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Waxaa uu kenyaanka ku wargeliyay inay isku diyaariyaan in adeegga korontada ay qayb-qayb u heli doonaan tani oo ay micnaheedu tahay in meelaha qaar ay ka maqnaan karto iyadoo dhinac kale ay ka jirto.
Wasiirka ayaa sheegay in 6-dii sano ee ugu dambeeyay aan gudaha wadanka laga sameyn sare u qaadid wayn oo dhanka hannaanka korontada ah.
Shirkadda korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa dhankeeda sheegtay in xalay koronto la’aanta ay saameysay gobolka Bartamaha dalka , Koonfurta Nyanza , Galbeedka, Bartmaha iyo Waqooyiga Rift Valley , Waqooyi Bari iyo qaybo badan oo ka mid ah caasimadda dalka ee Nairobi sida garoonka diyaaradaha ee JKIA.
Hasa ahaate waxay shirkaddu xustay in abaare 2-dii habeenimo ee xalay ay xallisay koronto la’aantii ka jirtay meelo badan.
Maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee dalka ee KAA ayaa dhankiisa sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay tijaabin badan lagu sameynayay hannaanka matoorrada ee garoonka JKIA si korontadu aynan u kala go’in balse in xalay labo ka mid ah matoorradan gaar ahaan kuwo dhanka Terminal 1A iyo 1E in aynan durbaba kicin ama shaqeyn.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa wadanka soo maray saddex xilli oo ay koronto la’aan jirtay tani oo su’aal gelisay adeegga shirkadda korontada dalka ee KPLC.
Dhacdooyinkan ayaa sameeyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi taasoo uu wasiirka gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen doonayo in baaritaan lagu sameeyo.
Wasiirka ayaa sheegay in iyadoo la tixgelinaya cilladda koronto la’aanta ee soo noqnoqotay inay adeegga qaran ee booliiska ee NPS u gudbinayaan codsi rasmi ah oo ku aaddan in la baaro inay jiraan carqaladeyn ama qaladaad dhacaya oo la qarinaya.
Dhanka kale wasiirka gaadiidka ee dalka, Kipchumba Murkomen ayaa guddiga iyo maamulka KAA ku amray inay si buuxda u dhaqan geliyaan isbedellada uu ku taliyay guddi farsamo oo warbixin soo saaray.