Wasaaradda tacliinta oo baaraysa sababta arday badan ay u heleen buundada E

0
265

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa sheegay in wasaaradda ay baaritaano xaqiiqo raadin ah ku sameyn doonto sababaha keenay in arday badan oo sanadkii hore sameeyay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ay u heleen buundada ugu hooseysa ee E.
Wasiirka ayaa tirada ardaydan ku sheegay 48,174 xilli uu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqayay natiijada KCSE-da.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu ka xumaaday in arday ay tiradoodu u dhiganto boqolkiiba 5.33 ay buundada E heleen.
Machogu ayaa xusay in guddi baaritaannadan sameynaya uu haysto muddo bil ah oo uu ku soo bandhigaya warbixin faahfaahsan.
Waxaa imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee sanadkii hore buundada ugu sarreysa ee A ka soo hooyay 1,216 oo arday ah.
Tiradan ayaa isugu jirta 825 wiilal iyo 391 gabdhood.
Tani ayaa ah boqolkiiba 0.14 ee ardaydii imtixaanka u fadhiistay.
Sidoo kale waxaa buundada C+ ee jaamacadaha loogu biiro iyo wixii ka sarreeya helay 201,133 oo arday ah tani oo u dhiganta boqolkiiba 22.27