Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa billowday geeddisocodka 1,270 arday oo qaatay shahaadada heerka waxbarasho ee Diploma ee bixinta daawooyinka lagu geynaya isbitaallada kala duwan.
Ardaydan ayaa qayb ka ah 3,752 oo ku takhasusay ilaa 6 ka mid ah culuunta caafimaadka.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay xoghayaha waaxda adeegyada caafimaadka ee dalka, Harry Kimtai oo dhakhaatiirta ku boorriyay in ay shaqo joojinta soo afjaraan.
Xubnaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ee weli shaqo joojinta ku guda jira ayaa dalbanayay in dowladdu ay howlgeliso ardayda soo bartay caafimaadka ee dhameystay tijaabada shaqo.
Home Wararka Kenya Wasaaradda caafimaadka oo billowday howlgelinta ardayda soo bartay culuunta caafimaadka