Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 40 ruux oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqeymihii Israa’iil ee shalay.
Waxay intaasi ku dartay in 5 qof oo dheeraad ah ay Qaza ugu geeriyoodeen gaajo iyo nafaqo darro .
Tani ayaa tirada guud ee dadka macluusha u geeriyooday ka dhigaysa ugu yaraan 180 qof.
Dhanka kale , qaramada midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 1,000 qof la dilay iyagoo doonaya in ay gargaar baniaadannimo helaan tan iyo bishii Shanaad ee sanadkan.