Walaac laga muujiyay amni darrada ka jirta ismaamulka Kisumu

0
233

Guddi ka tirsan aqalka hoose ayaa walaac ka muujiyay kiisaska amni darro ee ka jira ismaamulka Kisumu.
Guddigaas ayaa la kulmay Taliyaha Booliska Kisumu iyagoona ka wada hadlay sidii loo xallin lahaa caqabadaha ka jira Gobolka Nyanza gaar ahaana dowlad deegaanka Kisumu.
Waxyaabaha walaaca laga muujiyay ayaa ka mid ah macdanta sharci darrada ah ee Nyanza, kiisaska weerarrada, dilalka, iyo shilalka gawaarida.
Guddoomiyaha ammaanka ee dowlada dhexe ku matala ismaamulka Kisumu Benson Leparmorijo, ayaa xubnaha ku wargaliyay in xirnaanshaha suuqa Kibuye uu sidoo kale gacan weyn ka geystay amni darada gobolka.
Waxa uu cadeeyay in maamulka suuqaasi uu hoos yimaado dowladda hoose ee Kisumu.
in ka badan 5,000 oo ganacsato ah, ayaa ka hawlgalayay suuqaasi taasi oo saameyn ka dhalatay.
Xildhibaanka laga soo doortay Galbeedka Kisumu Rozah Buyu ayaa walaac ka muujiyay in faragelinta siyaasadeed ay qeyb ka tahay xirnaanshaha suuqa.