DHAGAYSO: Wakiillada Nyamira oo dhaliil u jeediyay aqalka sare

0
129

Qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nyamira ayaa aqalka sare ee dalka ku dhaliilay in uunan fursad siin dhageysiga mooshinkii xilka looga qaaday barasaabka dowlad deegaankaasi Amos Nyaribo.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in senatarrada aynan xoogga saarin in la ogaado sababaha loo cuskaday mooshinkaasi.
Waxay intaasi ku dareen in geeddisocodkii aqalka sare aynan cadaalad ku helin shacabka Nyamira sidaasi awgeedna ay dacwad u gudbin doonaan maxkamadda .
James Mating’a oo ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nyamira oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi.