Wakiillada Meru oo loo fasaxay inay ka doodaan xil ka qaadista Mwangaza

0
244

Maxkamadda racfaanka ee dalka laanteeda ismaamulka Nyeri ayaa dhinac iskaga dhigtay codsi ay gudbisay barasaabka ismaamulka Meru ,Kawira Mwangaza.
Waxay doonaysay in wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi laga hor istaago inay ka doodaan mooshin xilka looga qaadaya.
Waxay racfaanka ka qaadatay go’aan horay maxkamadda sare ee dalka uga soo baxay.
Saddex xaakin oo uu ka mid yahay Aggrey Muchelule ayaa maanta sheegay in dacwadda Mwangaza go’aan laga gaari doono 27-ka bishan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wakiillada Meru ay galinka dambe ee maanta ka doodi doonaan mooshinka xil ka qaadista Kawira Mwangaza oo uu golaha hor geeyay madaxa aqlabiyadda ,Evans Mawira Karia.
Guddoomiyaha Meru ayaa wajahaysa ilaa 7 eedeymo oo ku saabsan inay ku tagriifashay lacagaha dadweynaha , habdhaqan xumo baahsan iyo dafiraadda golaha hoose ee Meru iyo maxkamadda.