Wakiilka haweenka ee ismaamulka Kisii, Dorice Aburi ayaa soo jeedisay in bulshooyinka gobolka ay hal meel uga soo wada jeestaan ciribtirka gudniinka fircooniga ee loo yaqaano (FGM).
Waxay ku talisay in mudnaan la siiyo xaqiijinta caafimaadka iyo xuquuqda gabdhaha.
Aburi ayaa hoosta ka xarriiqday in ay jiraan qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka oo oggolaanaya cadaadiska uga yimaada bulshada gaar ahaan ismaamulka Kisii oo garab siinaya dhaqankan.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ay warbixin ku sheegtay in FGM-ka uu weli ku badan yahay dalalka Masar, Suudaan Guinea iyo Kenya.
Guud ahaan caalamka waxaa qaabkan loo guday ugu yaraan 200 oo milyan oo isugu jiro gabdho iyo haween oo ku nool ilaa 31 waddan.




