Wajeer oo laga billaabay barnaamij lagu xoojinaya nadaafadda

0
224

Waaxda caafimaadka ee ismaamulka Wajeer ayaa billowday olole ku aaddan sare u qaadidda nadaafadda.
Barnaamijkan ayaa diiradda lagu saaraya in la sifeeyo biyaha ay qoysaska isticmaalaan gaar ahaan meelaha ay daadadku saameeyeen.
Waaxda ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsanaysa in ololaha nadaafadeed ay ka faa’iidaystaan 18,750 oo qoysas ah.
Waxaa arrinkan qayb ka ah in dadweynaha loo qabto kulamo wacyigelin oo ku saabsan in ay nadaafadda ku dadaalaan iyadoo la soo bandhigi doono qaabka ugu habboon ee gacmaha loo dhaqdo.
Dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer ayaa waxaa barnaamijkan garab ku siinaya hay’ado ay ka mid tahay UNICEF.