Waxaa xukun xabsi 40 sano ah lagu riday guddoomiye xaafadeed ka tirsan ismaamulka Wajeer.
Mas’uulkan ayaa lagu helay dambi ah inuu kufsaday gabadh 18 sano jir ah, islamarkaana uu sawirradeeda oo qaawan ku faafiyay baraha bulshada.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Kalimoi Shaale, ayaa sidoo kale lagu amray inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo kun shillinka dalka ah, lacagtaas oo magdhow ahaan loo siinaya dhibanaha.
Agaasinka waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa laga soo xigtay, in Kalimoi Shaale uu gabadha ku qasbay in meel ka baxsan maxkamad ku xalliyaan arrintan, ka dib markii uu sameeyay falkan foosha xun.
Qoraal ka soo baxay xafiiska agaasinka waaxda dacwad soo oogista ee ODPP ayaa lagu sheegay in Kalimoi Shaale lagu helay dambi ah inuu kufsaday gabadh 18 sano jir ah marar badan, isagoo xilka uu hayo u adeegsaday inuu ku qasbo oo ay aqbasho xal ka baxsan maxkamadda iyadoo loo marayo hannaanka maslaxadda, oo ah qaab dhaqameedka xallinta khilaafaadka ee ku badan gobolka waqooyi bari ee Kenya.
Guddoomiye xaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu eedeyay inuu baraha bulshada kuwada xiriirto ku faafiyay sawirrada dhibbanaha oo qaawan, ka dib markii ay diiday inay aqbasho xadgudubka joogtada ah.
Waxaa lagu xukumay 20 sano xabsi ah, kaas oo ah kufsiga uu gabdha u gaysanayay iyo 20 sano oo kale oo ah faafinta khaldan ee muuqaallada xunxun ee uu gabadha ka duubay.
Chief Kalimoi Shale of Wajir was found guilty of raping an 18-year-old girl on multiple occasions and using his position to force her to accept an out-of-court settlement through Maslaha, a cultural conflict resolution model common in North Eastern Kenya.#HakiNaUsawa pic.twitter.com/j3tZYtizV2
— Office of The Director Of Public Prosecutions (@ODPP_KE) July 2, 2022
He was found guilty of the following and his sentences will run concurrently:
1. Rape-sentenced to 20 years in prison
2. Wrongful distribution of obscene or intimate images-sentenced to 20 years in prison
3. Victims' compensation of Kshs. 500,000/- #HakiNaUsawa pic.twitter.com/lMmXu3cmsk— Office of The Director Of Public Prosecutions (@ODPP_KE) July 2, 2022