Wafula Chebukati oo ku hanjabay inuu dacwad ka gudbinaya Raila Odinga

0
388

Guddoomiyihii hore ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa ku hanjabay inuu maxkamadda geyn doono dacwad ka dhan ah madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya Raila Odinga.
Tani ayaa timid ka dib markii uu dhawaan Raila sheegay in Chebukati iyo mas’uuliyiinta kale ee guddiga ay hooygiisa ugu tageen intii lagu guda jiray geeddisocodka doorashadii guud ee sanadkii hore oo uu xita hayo sawirro uu taasi ku caddeynaya.
Hasa ahaate Wafula Chebukati oo uu matalaya qareenkiisa Steve Ogolla ayaa warqad uu u qoray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ku dalbaday in hadalka uu jeediyay uu caddeyn u keeno toddobo cishe gudahooda haddii kale uu maxkamadda la tiigsanaya.
Chebukati ayaa eedeynta uga timid Raila Odinga ku tilmaamay mid been abuur oo aan niyad wanaag ku saleysnayn.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay in isaga iyo Raila aynan kulmin sanadkii 2022-kii isakaba dhaaf xilligii doorashada.
Qareen Steve Ogolla ayaa xusay in Chebukati ay la yaab ku noqotay oo uu dhibsaday hadalka Raila oo saameyn karo sumcadiisa bulshada dhexdeeda.