Wadamo dhawr ah oo cambaareeyay tallaabada israa’iil ay ku doonayso qabsashada Qaza

0
429

Qaramada Midoobay, dhowr waddan oo Yurub ah iyo Shiinaha ayaa cambaareeyay qorshaha Israa’iil ee ah in ay ciidan ahaan ku qabsato magaalada Gaza, iyaga oo ka digaya in tallaabadani ay uga sii dari doonto qalalaasaha bini’aadantinimo ee ba’an ee hore u soo maray marinkaas.
Falastiiniyiinta ku sugan magaalada Gaza ayaa sheegay in aysan ka bixi doonin guryahooda in kasta oo Israa’iil ay waddo qorshe ay boqolaal kun oo qof oo deggan ku barakicinayso xeryo ku yaalla bartamaha Gaza.