Wadahadalo u socda Ruushka iyo Ukraine

0
360

Wafuud ka kala socota Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa inay wadahadalo xabad joojin ah ku yeeshaan dalka Turkiga maalin kadib markii Kyiv ay weeraro aan horay loo arag ay ka fulisay gudaha Ruushka.
Dhinacyada dagaallamaya ayaa ku heshiiyey in la is dhaafsado maxaabiista wareegii koowaad ee wadahadalladii la qabtay bishii hore.
Dhinaca kalena Saldhigyada cirka ee shanta gobol ee Ruushka ayaa la weeraray, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka, iyadoo intaas ku dartay in dhowr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ay ku gubeen saldhigyada cirka ee Murmansk iyo Irkutsk.