Waaxda ODPP oo doonaysa in dacwad dil ah lagu soo oogo eedeysane Haashim Dhaqane

0
645

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa maxkamadda sare ee Milimani ee magaalada Nairobi u gudbisay codsi ay ku doonaysa in dacwad dil lagu soo oogo eedeysane Haashim Dhaqane Muxumad oo sidoo kale loo yaqaano Haashim Maxamad Khaliif.
Shakhsigan ayaa lala xiriirinaya dilkii loo gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd oo soomaali ah.
Waxaa uu sidoo kale wajahaya dilka gabadh afaraad oo ay wada sheekeysanayeen.
Dilalkan ayuu gaystay dabayaaqadii bishii Tobnaad ee sanadkan.
Waxaa uu Haashim shalay ka soo hormuuqday garsooraha maxkamadda sare ee Milimani Diana Rachel Kavedza.
Sarkaalka sare ee waaxda dacwad oogidda dalka u qaabilsan dacwadaha la xiriira dilalka Gikui Gichuhi, ayaa ku wargeliyay maxkamadda sare ee Milimani in eedeysane Haashim lagu soo oogo dacwad la xiriirta inuu ka takhalusay afar haween ah.
Garsoore Diana Rachel Kavedza, ayaa amartay in Haashim lagu sii haayo xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ilaa 21-ka bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka, markaasi oo dacwaddiisa si rasmi ah loo billaabi doona.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in baaritaan dhanka caafimaadka maskaxda ah lagu sameeyo tuhmanaha.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa caddeysay in Haashim uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, sida lagu xaqiijiyay baasaboorkiisa.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay in eedeysanaha si musuqmaasuq ah uu ku qaatay kaarka aqoonsiga qaran ee kibaandhaha.