Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay codsi ay gudbisay waaxda dacwad oogidda wadanka oo ku aadanaa in dib loo furo dacwad uu wajahayay barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi , Mike Sonko.
2-dii bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay maxkamaddu amar ku bixisay in la xiro gal-dacwadeedka Sonko oo xilligaasi ku eedeysnaa lunsashada 357 milyan oo shilin.
Garsoore Nixon Sifuna ayaa waaxda DPP ku amray inay codsigeeda u gudbiso maxkamad kale halkaasi oo jiheyn dheeraad ah laga siin doono.