Waaxda dacwad oogidda oo doonaysa inuu 21 cishe xabsiga ku jiro eedeysane loo haysto dil ka dhacay Meru

0
280

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa maxkamadda u gudbisay codsi ay ku doonaysa inuu muddo 21 cishe ah xabsiga ku sii jiro eedeysane lagu magacaabo Vincent Kirimi oo loo yaqaano Supuu.
Ninkan ayaa ayaa ku eedeysan dilkii ka dhacay ismaamulka Meru ee looga takhalusay Daniel Muthiani oo ku magacdheeraa Sniper.
Daniel ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka warbixinnada ku soo daabaco baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka.
2-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayaa la waayay waxaana meydkiisa la helay 16-kii bishii hore.
Waaxda ODPP ayaa sheegtay in taliyaha guud ee booliiska dalka la siiyay 7 cishe oo uu galka baaritaannada ee dilkii Sniper uu ku soo gudbinaya.