Ururka macallimiinta ee KUPPET oo ku hanjabay shaqo joojin

0
417

Ururka macallimiinta ee (KUPPET) ayaa ku goodiyay in xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin qaran ku dhaqaaqi doonaan.
Waxay dalbanayaan in guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC) uu barayaasha dallacsiiyo.
Waxaa digniinta la xiriirta shaqo joojinta shaaca ka qaaday Xoghayaha Guud ee ururka KUPPET Akelo Misori.
Misori ayaa sheegay in ay jiraan macallimiin badan oo aan sanado dhowr ah la dallacsiin sidaasi awgeedna ay dalbanayaan in TSC ay arrintan si degdeg ah u dhaqangeliso .
Macallimiinta muddo badan aan loogu kordhin heerka shaqada ayuu sheegay in ay niyad jabeen.