Ururka KNUT laantiisa Mandera oo ku baaqay in dowladda ay xaqiijiiso badqabka macalliiminta

0
294

Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT laanta ismaamulka Mandera ayaa doonaya in dowladda ay xoojiso xaaladda badqabka ee macallimiinta ka howlgala deegaannada ku yaalla dowlad deegaankaasi si loo horumariyo heerka waxbarashada.
Xoghayaha ururka macallimiinta dalka ee KNUT ee Mandera Maxamad Kuulow ayaa sheegay in dowladda dhexe ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka macallimiinta.
Waxaa uu xusay in dhacdooyinka amni darro ee laga soo tabiya mararka qaar qaybo ka mid ah ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ay horseeda in macallimiin badan oo goobahaasi wax ka baro ay isaga tagaan.
Mr. Kuulow ayaa intaasi ku daray in macallimiinta ay yihiin kuwa badankoodu aan deegaanka u dhalan.
Waxaa u guddiga adeegga macalimiinta ee TSC ku eedeeyay inuu beddelo barayaasha iyadoo aynan jirin sabab sidaa u sii weyn.
Sida laga soo xigtay Mr. Kuulow, dowladda iyada oo loo marayo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC waa in ay raadisaa hab ay macallimiinta ku gaynayso iskuullada ku yaalla dowlad deegaanka Mandera.